DEG DEG: RW Kheyre oo Caawa magacaabay lix Wasiir oo cusub+SAWIRRO

0

Waxaa Caawa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Kheyre ayaa magacaabay lix Wasiir,  Labo Wasiiru dowle iyo Shan Wasiir ku xigeen, kuwaasi oo buuxin doona boosaska ka banaan Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska RW Kheyre ayaa lagu dhameystiray xubnihii ka banaanaa Golihiis Wasiirada.

Xubno cusub ayaa ka soo muuqday Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay, sidoo kale waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya.

Inkastoo 5 Wasiir ay ka banaaneyd Xukuumadda ayaa waxaa xilkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta laga qaaday Saadaq C/llaahi Cabdi oo xilkan loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore, waxaana uu ahaa xilkii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa loo magacaabay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Magacyada.

Xilalka Wasiirada

1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta

4- C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Wasiir kuxigeenada

1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha arrimaha

2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka