Al-Shabaab oo Odayaal dhaqan ku xidhay Koonfurta Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Koofurta gobalka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya in Al-Shabaab ay shalay xidheen Odayaal dhaqameedyo ku sugnaa Tuulooyinka Camaara, Caad iyo Baxda ee Galmudug.

Qaar ka mid ah Ehelada Odayaasha la xidhay ayaa sheegay in odayaasha Al-Shabaab ay shalay Subax ugu yeereen Shir ay ku dalbanayeen dhalinyaro u dagaalama balse ay ka diideen Odayaasha iney wiilashooda ku biiriyaan Al-Shabaab.

Tirada odayaasha la xidhay ayaa Gaadhaya ilaa 12 qof, qoysas  badan ayaa wiilashooda kala soo baxay deegaanka oo Cabsi ka qaba iney kala wareegaan dhalinyaradooda