AKHRISO:- Maamulka Somaliland oo Amaro Culus kuso rogay shacabka Laascanood

0

Madax ka tirsan Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood oo ay ku jiraan Xildhibaanada Golayaasha Somaliland ayaa wareegto ay soo saareen ku sheegay in shacabka Laascaanood laga mamnuucay dhammaan shirarka,Warsaxaafadeedyada iyo waxa loogu yeeray kicinta shacabka.

Wareegtada kasoo baxday Somaliland ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii Puntland go’aano kasoo saartay xaalada dagaal ee Tukaraq iyo gobolka Sool.

Guud ahaan shacabka Laascaanood ayaa laga mamnuucay in ay wax hub ah magaalada la dhexmari karaan iyadoo la sheegay in hubka loo ogolyahay ciidamada Somaliland oo keliya.

Shacabka ayaa sidoo kale qaban karin shirar gooni gokno ah ama mid guud iyadoona sidoo kalr la mamnuucay in shir jaraa’id ay qabtaan cuqaasha ama shacabka magaalada ku dhaqan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo kamid ah xubnahan wareegtada soo saaray ayaa sheegay in saxaafada aysan siideyn karin wararka ama shirarka jaraa’iid oo ay qabtaan shacabka iyo cuqaasha gobalka Sool.

Baashe ayaa si gaar ah carabka ugu dhuftay shirkii jaraa’ iid oo uu qabtay Caaqil Axmed Hoolif oo si adag uga hadlay qadiyada Sool, Sanaag iyo Cayn isagoo sheegay inaysan ka tirsaneyn Somaliland balse xoog lagu heysto shacabka.

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay xubnaha gobalka kasoo jeeda ee Somaliland xilalka ka haya kuwo Calooshood u shaqeystayaal ah oo aan dadka matelin waa siduu caaqilka sheegay.

Maamulka Somaliland amarada uu soo saaray ayaa muujinaya in Somaliland xiligan walaac kasoo wajahayo guuxa shacabka ee gobalka Sool oo iyagu horey u muujiyey marar badan inay kasoo horjeedaan nidaamka Somaliland iyo gooni isutaaga Hargeysa looga dhawaaqay.