XOG+CADEEYMO:- Maxaa kala haysta Gudoomiye Yariisoow iyo Mid kamid Taageerayaasha Dawladda Soomaaliya.

0

Shalay iyo Maanta waxaa si aad ah baraha Bulshada gaar ahaan Facebooka looga dareemayaa inuu sii xoogeysanayo Khilaaf u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo mid ka mid ah taageerayaasha dawladda Soomaaliya.

Si gaar ah waxaa hadda u soo shaac baxay Khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), oo ka mid ah taageerayaasha dawladda Soomaaliya (Nabad iyo Nolol) saaxib dhawna la ah Madaxda sare ee Dalka.

Khilaafka ayaa ka danbeeyay,ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu bilaabay inuu u goodiyo shaqsiyaadka dhaliila habacsanaanta ka jirta Maamulka Gobolka Banaadir.

Cali Yare ayaa maalin ka hor Facebookiisa soo dhigay qoraal uu kaga hadlay socdaal isaga iyo Wariyeyaal kale ay ku soo mareen afar xaafadood oo caasimadda ka tirsan si ay kaalmo u gaarsiiyeen,wuxuuna sheegay in wixii indhooda ay ku soo arkeen aysan ahayn wax caqliga saliimka qaadan karo.

Hoos Ka Akhriso

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo u jawaabayay Cali Yare iyo shaqsiyaad kale ee dhaliila siyaasadiisa Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Hay’adaha Garsoorka iyo Amniga u gudbiyeen shaqsiyaad been abuur sameynaya.

Hoos Ka Akhriso

Dhinaca kale Cali yare oo ka jaawabaya hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebooka”Qoraalka Gudoomiyaha wuxuu sii xoojiyay hanjabaadii uu u diray saxafiyiin maanta soo gudbisay baahiyaha ay qabaan dadka Gobolka Banaadir.

Hoos Ka Akhriso

Isku soo wada duuboo warar kol hore soo baxay ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow markii uu xilka la wareegay uu joojiyay lacago Gudoomiyihii hore ee Gobolka Thaabid Abdi uu hotelka uga bixin jiray shaqsiyaad u ololeeya dawladda Soomaaliya, kuwaasi oo dagan Hotelada ugu qaalisan magaalada Muqdisho.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media