WAR DEG DEG AH:- Labo Ruux oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Labo wiil oo dhalinyaro ahaa ayaa waxaa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Shirkadda Dahabshiil ee gudaha Suuqa Bakaaraha.

Labada wiil oo hubeysnaa ayaa la sheegay in ay iska hor yimaadeen askar ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Askarta iyo labada wiil ee hubeysnaa ayaa la sheegay in uu dhex-maray iska hor imaad  kooban oo keenay in labadda wiil la toogto ugu dambeyntii.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa inoo sheegay in labadda wiil ee la dilay ay ahaayeen rag hubeysnaa oo aan ka tirsaneen Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya, islamarkaana ay bastooladdo lasoo baxeyn.