Dhambaal Tacsiyadeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Marxuum Cismaan Farxaan Cismaan Shidane.

0

Dhambaal Tacsiyadeed: Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, waxaa shalay ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska Allaha u Naxariistee Marxuum Cismaan Farxaan Cismaan Shidane.

Dhamaan Bahweynta Allgalgaduud Media, Maamulka iyo Shaqaalaha, Anaga oo ka tiiraanyonayna geeridan naxdinta iyo xanuunka badan leh ee ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum Cismaan Farxaan Cismaan Shidane, waxaan dhambaal tacsiyeed oo tiiraanyo leh u direynaa dhamaan reer Cismaan Shidane, Reer Farxaan Cismaan Shidane iyo dhamaan asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cismaan Farxaan Cismaan Shidane, waxaana Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa in uu dhamaanteen samir iyo iimaan naga wada siiyo Allaha u Naxariistee Marxuum Cismaan Farxaan Cismaan Shidane, waxaa sidoo kale aan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryaynaa inuu Marxuum Cismaan Farxaan Cismaan Shidane Janadii Fardowza ahayd ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin

Waxaa Sidoo Kale  Dhambaal Tacisiyadeed oo midkaa la mid ah diraya:

Dhamaan Jaaliyadaha GalJubba ee dalka Dibeddiisa.