DHAGEYSO:-Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira Madaxda Galmudug

0

Khilaaf cusub ayaa markale soo gala dhexgalay Madaxda maamulka Galmudug sidda ay shaaciyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Khilaafkaan ayaa ka dhashay isku darkii Baarlamaanka maamulka Galmudug iyo sidoo kale Baarlamaankii maamulka Ahlusunna, waxaana uu Khilaafku u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug,kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan qaabkii loo maray hanaanka Isku daridda Galmudug iyo Ahlusunna, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha Galmudug dastuurkii uu badalay.

Maxamed Xaashi Cabdi Caray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tiro xildhibaano ah kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in ay waddaan dadaallo lagu soo Afjaraayo Khilaafka taagan.