WAR DEG DEG AH: Daacish oo sheegatay dil ka dhacay Duleedka Muqdisho

0

Kooxda Daacish ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegtay mas’uuliyada dil ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Waa bayaankii labaad oo maalin kadib ka soo baxa Daacish oo lagu sheegto howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Caasimada Soomaaliya.

Shalay ayee aheyd markii ay sheegeen in Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Wadooyinka ay ku dileen Isgooyska Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.