SAWIRO:- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed oo la kulmay Haweenka Booliska ah

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulan dhiiri gelin ah la qaatay qaar kamid ah Haweenka ku jira Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jiray Saraakiil iyo Saraakiil xiggeeno.

Gen. Bashiir Ameeriko, ayaa ku dhiiri geliyey haweenkaasi Ciidanka Booliska ka midka ah sida howlkarnimada ay ka muuqato ee ay ugu shaqeynayaan Qaranka, waxaana uu ku booriyey inay sii laba jibaaraan shaqada, masuuliyad gaar ahna ay iska saaraan.

Qaar kamid ah Haweenkii isugu jiray Saraakiisha iyo Saraakiil xiggeenada oo kulankaasi ka hadlay, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ku ammaanay sida dardarta leh ee uu u wado shaqada Ciidanka Booliska, iyaggoo xusay in dhankooda masuuliyada saaran ay kasoo dhalaali doonaan.