TOPNEWS:-Soomaaliya Oo Dalbatay $80 million Oo Wax Looga Qabto Fatahaadaha

0

Sida lagu soo daabacay Shabakadda wararka ee Xarunta QM ee UN News Center waxay QM iyo DFS si wadajir ah u soo saareen Codsi Ay Ku Dalbanayaan In Loo Gar-gaaro Dadka ay Saameeyeen Fatahadaha Webiyada dalkai, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gaarsiiyo Kharajkaasi oo wax loogu qabanayo dadka Soomaalida ee ku barakacay Daadadkii dhawaan ka dhacay  qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

Codsiga Kharajka cusub ee 80-ka million ee Dollar ayaa looga dhawaaqay Kulan Heer Sare o oshalay ka dhacay magaalladda Muqdisho, oo looga hadlay  Gargaarka Xilliga Kooban iyo sida Kaalmooyin loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan Deegaanadaasi.

Dhinaca kale, Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee OCHA ayaa sheegtay inay in ka badan 750,000 oo qof waxyeello ka soo gaareen Daadadkaasi, oo ay ku jiraan 229,000 oo qof oo ku barakacay Daadadka ka dhashay Roobabka iyo Fatahaadda Webiyada.