TOP NEWS:- Puntland oo Mamnuucday Gadiidka Shidaalka iyo kuwa shacabka ee u safra dhinaca Tukaraq

0

War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga difaaca ee dowladda Puntland ayaa guud ahaanba waxaa lagu mamnoocay gaadiidka waaweyn iyo kuwa yaryar ee shidaalka u qaada deegaamada waqooyi ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka magaalada Laascaanood.

Wasaaradda amniga dowladda Puntland ayaa waxa ay sidoo kale mamnoocday in dadka shacabka ah ay u safraan goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka difaaca dowladda Puntland, iyadoona lafaray laamaha ammaanka gaar ahaan kantaroolada inay baaritaan dheeraad ah sameeyaan.

AKHRISO