SAWIRRO:-Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya oo kormeer ugu tagay dadkii ku guryo beelay Roobabkii ka Da’ay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayra ayaa xalay booqasho ugu tagay qaar ka mid ah dadkii ku guryo beelay Roobabkii ka Da’ay Muqdisho, kuwaasi oo maamulka gobolka uu dejiyay goobo kumeel gaar ah.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare waxaa ku wehlinayay Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow).

Khayre ayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa si uu indhihiisa ugu arko halka uu gaarsisan yahay howlaha gurmadka ah ee uu wado maamulka gobolka Banaadir iyo xaalada guud ee dadka uu saameeyay Roobabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid uga wareysanayay dadkan xaaladooda caafimaad, wuxuuna amray in si deg deg ah wax loogu qabto, lana kordhiyo gargaarka loo sameynayo dadkan oo u badan Haween iyo caruur.

Sidoo kale waxa uu kormeeray wadooyinka waa weyn ee Muqdisho oo qaarood ay burburiyeen Roobabkii ka Da’ay Muqdisho, waxaana qaarkood fariistay biyo, balse maamulka gobolka ayaa wada howlo nadaafadeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo dadka shacabka ah ee ku kala nool magaalada iyo gobolada qaar ee dalka.