SAWIRRO:-Mid ka mid ah Wiishashka Masaajidka Nabiga ee Maka oo dumay

0

Wakaaladda Wararka u faafisa Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in mid ka mid ah Wiishashka Masjidka Nabiga NNKH uu soo dhacay iyada oo uusan jirin Khasaare badan.

Mid ka mid ah Wiishashka dhismayaasha ayaa soo dhacay shalay gelinkii dambe sida ay sheegtay SPA,waxaana ka dhashay dhaawaca hal qof.

Wiishkan ayaa ku dhacay meel ka durugsan Dhagaxa Madoow,waxaana xilligaas goobta Dhagaxa Madoow ku sugnaa dad aad u farabadan.

Dowladda Sucuudiga ayaa wadda dhisme, lagu casriyeynayo Masaajidka,waxaana saraakiisha Masaajidka sheegeen in sababta uu wiishka u soo dhacay  ay ahayd Xamuul badan oo uu u waday qeybta sare oo uu dhisme ka socday.

2015kii ayaa Wiish soo dumay waxaa ku dhintay 107 Xaaji,waxaana ku dhaawacmay 230 Xaaji,waxaana xilligaas Sharikadda Dhismaha ee Bin Laden joojisay dhismihii masaajidka muddo 2 Sao ah.

Xilligan Ramadaanka waxaa Masaajidka ku badan Muslimiinta ku cibaadeysanaya,iyada oo Xilliga Xajkuna ay ka harsan tahay saddex bilood oo kaliya.