DHEGEYSO:- Roobkii kad’ay gobalka Bari oo beeralayda gobalkas Khasaare gaarsiyaay

0

Dhul beereed ku yaalay Deegaanka Qaw ee Gobolka Bari oo gaaray ilaa iyo 150 Beero ayaa waxaa latagay daadad ka soo rogmay Roobabkii ka da,ay dhawaan qaybo ka mid ah gobolka bari.

Waxay arintan ay saamayn ay ku yeelatay ilaa iyo 30 qoys oo Beeralay ah oo ku tiirsanaa Beerahaasi uu daadku latagay .
Deegaanka Qaw ayaa ah meesha ugu badan oo ay Qudaarta uga timaado Magaalada Bosaaso .

Cabdi Qan Xasan Maxamed waa Gudoomiyaha Beeralayda Deegaanka Qaw ayaa arrimahaas ka hadlay.