AKHRISO:- Somaliland oo War Ka Soo Saartay Khasaaraha Roobabkii Ka Da’ay Somaliland

0

War-saxafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa lagaga hadlay khasaaraha ka dhashay roobab dabaylo wata oo ka da’yay xeebaha goboladda Awdal, Saaxiil iyo Gobolka Sanaag qaybo ka mid ah,

Warsaxafadeedk waxaa lagu sheegay in Roobabka duufaanta isku bedelay ay ku dhinteed dad kabadan 25 qof, islamarkaana la la’ayahay dad tiro badan, waxaa kaloo ku leedahay xoolo tiro badan, dhismayaal tiro badan oo dumay, gaadiid isugu jira kuwa badda & berigaba iyo barakac balaaran oo ka dhashay duufaantaas.

“Khasaarahaas oo sababay dhimashada, 25 qof, iyo 27 ruux oo la la’a yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halka 12 ruux ay dhaawac yihiin, halka ay saameeysay (669,000) lix boqol sagaal iyo lix-dan kun oo qof una dhiganta 167,250 qoys oo ku sugnaa goobahaa duufaantu martay, waxa iyaguna baxay 80% xoolihii ku sugnaa deegaamadaas, iyadoo ay go’an yihiin isgaarsiintii, iyo waddooyinkii gaadiidku isaga gudbi jireen ee goobaha masiibadu ku dhufatay, waxa iyaguna inta badan dumay goobihii caafimaadka ee MCH-yada iyo dugsiyadii waxbarashada ee ka qayb qaadan lahaa samata-bixinta dadka ay soo gaadhay duufaantu” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Warsaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Dowladda Somaliland ay u dirtay goobaha masiibada ka dhacday wafti uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar sare oo ka mida dawladaJabuuti, iyagoo u kuurgelaya khasaaraha ka dhacay goobahaasi, madaama oo labada dal ay wadagaan xadka dhinaca xeebaha iyo berigaba, ayna wada haleeshay masiibadan duufaantu.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu ugu baaqay shacabka inay gargaar iyo gurmad deg-dega ka geystaan masiibadaasi, gaar ahaan ganacsatada dalka. sidoo kale madaxweynuhu wuxuu beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ahba ugu baaqayaa inay gacan ka geystaan gurmadka masiibadaasi.