AKHRISO:- Boqolaal Maxaabis Itoobiyaan ah oo lagasi dayaay Xabsiyadda Sucuudiga

0

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa booqasho labo cisho ah oo uu ku tagay Sucuudiga waxaa ugu suuragashay in xabsiyada dalka Sucuudiga uu ka sii daayo 1,000 Qof oo Itoobiyaan ah.

Isaga oo ka hadlayay Garoonka diyaaradaha Adis ababa ayuu Abiye Axmed sheegay in Diyaaradda ay la saaranyihiin 690 Qof oo ka mid ahaa Maxaabiista u dhalatay Itoobiya oo ku xirnaa xabsiyada Sucuudiga.

Waxaa uu sheegay in booqashadiisa Boqortooyada Sucuudiga ay ku dhamaatay guul islamarkaana uu ku faraxsanyahay sida wanaagsan ee ay dowladda Sucuudiga uga jawaabtay codsigiisa.

Waxaa uu Abiye Axmed sheegay in uu la kulmay dhalax sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan islamarkaana uu heshiis la gaaray kaas oo qeexaya sii deynta muwaaddiniinta Itoobiyaanka ah ee ku jira Xabsiyada Sucuudiga.

Dadka la filayo in dhawaan la siidaayo waxaa ka mid ah Maalqabeenka heysta dhalada Sucuudiga iyo Itoobiya ee lagu magacaabo Maxamedn Xuseen Al Camuudi.

Al Camuudi,waxaa uu gudaha Itoobiya ku leeyahay Ganacsiyo waaweyn,waxaana u shaqeeya shaqaale ka badan 70,000 oo Qof.