TOPNEWS:-Madaxweynaha puntland oo Booqanaya Jiidda Dagaalka ee Deegaanka Tukaraq gobolka Sool

0

Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka Booqasho ku tagaya Halka Ciidamada Puntland Fariisinka u ah ee Duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa socdaalkan waxaa ku weheliya Xubno kamid ah golaha wasiiradda dawlada Puntland iyo Saraakiil ka socda madaxtooyada iyo sidoo kale Jannano cusub oo Hagi doono dagaalka Tukaraq.

Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa socdaalkiisan wuxuu salka ku hayaa Soo indha indhayn ku aadan Ciidamada iyo Habka ay ugu diyaar garoobeen dagaalka iyo sidoo kale Dar-daaran uu u jeedinayo Ciidamada Difaacada Puntland.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Puntland uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Puntland, wasiirka Amniga iyo Afhayeenka Madaxweynaha Puntland ayaa socdaalo kaladuwan ku maray inta u dhaxaysa Tukaraq iyo Garowe.