Hawlgalka AMISOM Oo Sheegtay In La Wiiqay Awoodii Al Shabaab.

0

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, Ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Fransisco Madera ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

Mr Madera ayaa xusay in ay jirtay xilli Al Shabaab weeraro joogta ah ay ku hayeen madaxtooda Soomaaliya, balse waxa uu tilmaamay in taasi haatan ay dhamaatay.

Sidoo kale Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa ku amaanay dalalka Ciidamada AMISOM ugu deeqay Soomaaliya, sida ay uga go’an tahay la nabadeeyo Soomaaliya.

Waxaana uu carabka ku dhuftay in Ciidamada AMISOM haatan ay u baahan yhiin taageero dheeraad ah.

AMISOM ayaa in ka badan 10-Sano dagaal kula jirta Xakada Al Shabaab, iyadoona ay xusid mudan in weli Al Shabaab weeraro iyo qaraxyo ay ka geystaan gudaha dalka.