DHEGEYSO:-Soomaaliland oo ku hanjabtay in garoowe laga qaxi doono maxay tahay sababtu?

0

Weli waxaa xiisad ka taagan tahay deegaanka tukaraq ee Gobolka sool kadib dagaal culus oo mudo laba maalmood ah socday oo u dhaxeeyey ciidamada maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nacnac) oo ka mid ah Golaha Wakiilada Soomaaliland  ayaa sheegay in Puntland hadii ay joojin weydo dagaalka tukaraq ay ka wado in Magalada Garoowe laga qaxi doono sida uu hadalka u dhigay.