Akhriso:-Qaramada Midoobey Oo Ka Warbixisay khasaaraha ka dhashay Roobka Duufaanta watay

0

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubarridka arrimaha bani’adamnimada ee UNOCHA ayaa sheegtay in khasaare xoog leh uu geystay Roob dabeylo watay oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ayay Waqooyiga iyo bariga Soomaaliya.

UNOCHA waxaa ay sheegtay in 35 Guri ay baaba’een sidoo kalena ay in ka badan 2,000 oo neef ku Bakhtiyeed duufaanta iyo Roobka ku dhuftay xeebaha maamullada Somaliland iyo Puntland ee Soomaaliya.

Warbixinta UNOCHA ayaa lagu sheegay in 56 Neef oo Geel ah, 1,260 Neef oo Ari ah iyo 19 Dambeer ay ku nafwaayeen degaanada dhaca  Laasqori,Habarshiiro iyo Ceel Buur ee Gobolka Sanaag.

Magaalooyinka Xeebaha sida Bareeda, Caluula, Murcanyo, Gumbax, iyo Xaabo ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameeyeen Roobka iyo Duufaanta is watay ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday bariga Soomaaliya.