War Deg Deg Ah :-Dagaal Culus oo ka socda Tukaraq

0

Ciidamada Puntland iyo soomaaliland ayaa waxaa ay saaka ku dagaallamayaan degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool.

Wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Labada dhinac ay saaka dagaal isku billaabeen iyada oo ay wali rasaas ka dhaceyso degaanka.

Taliyaha guud ee Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa xaqiijisay in dagaalka uu ka socdo Tukarraq islamarkaana ay dagaallamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Somaliland oo xarumahooda ku sugan ay weerar labo jiho ah kala kulmeen Ciidamada Somaliland,islamarkaana uu dagaal socdo.