SAWIRO:- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha DFS oo Magaalooyin Cusub Xafiisyo ka furtay

0

Magaalooyinka Qardho iyo Goldogob oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Karkaar ee Puntland, ayaa Maanta laga furay Labo Xafiis oo laga bixinaayo Baasaboorrada iyo Kaararka Aqoonsiga Soomaaliya.

Maamullada Labada Degmo iyo madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha u qaabilsan Laanta Puntland ayaa si wada jir ah u furay Labadaan Xafiis oo loogu talagalay in loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Degmooyinka Qardho iyo Goldogob.

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadatatay Sanaddii1960-kii oo Xafiis laga bixiyo Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga laga hirgeliyo Degmooyinka Qardho iyo Goldogob.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Dhawaanahan wadday dedaallo adeegyada socdaalka lagu gaarsiinaya Gobollada Dalka, iyadoo Xafiisyo noocaan oo kale ah ka hirgelisay qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada xagga socdaalka ah.