SAWIRRO:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Amiirka dalka Qatar.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani, kulankan ayaa ka dhacay qasriga Amiirka.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal ka dhaxeeya, iyadoo dowladda Qatar balan qaadya inay sii wadi doono taageerida Soomaaliya.

War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Amiirka Qatar ayaa si kooban looga hadlay kulanka iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa yiri “Xiriirka aan la leenahay Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Soomaaliya waa xidhiidhka walaaltinimo iyo ixtiraam udhaxeeya, iyo wadahadalkayga aniga iyo walaalkeeyga Maxamed Cabdullaahi Faramago waxa uu xaqiijiyay macnahan kuwaas oo diirada saaraya siyaabaha loo wanaajinayo iskaashiga ka dhexeeya labada dal”.

Waxa kale oo uu sheegay in Qatar ay sii wadi doonto taageeridda midnimada Soomaaliya, xasiloonida, madaxbanaanida iyo wanaagga dadkeeda.