Wasiirkii arimaha gudaha Pakistan oo lagu toogtay dibadbax doorasho

0

Wasiirka arimaha gudaha ee Pakistan Axsaan Iqbaal ayaa la dhaawacay, kadib rasaas uu furay nin aan la aqoonsan xilli uu socday dibadbaxyo doorasho oo kadhacayay gobolka Punjab, sida laga soo xigtay saraakiil.

Iqbal oo 59-sano jir ah ayaa laga toogtay garabka, maalinmadii Axaddii isagoo khudbad ujeedinaya dad isku soo baxay degmada uu kasoo jeedo ee Narowal, wasiirka arimaha faderaalka ayaa u sheegay telfishin gudaha oo lagu magacaabo Geo News.

Jam Sajjad Husain oo ka mid ah shaqaalaha badbaadada ayaa u sheegay telfishinka Al-Jazeera in iqbal uu sii galayay gaarigiisa, isagoo kasii dhaqaaqayay dibadbaxa kadib markii nin da’yar uu rasaas kusoo furay dhowr jeer.

“Hal xabad ayaa kaga dhacday garabka, waxaana la dhigay isbitaalka degmada, halkaasi oo lagu daaynayo” ayuu yiri Jam Sajjad Hussain.

Masuuliyiinta gobolka iyo wiil uu dhalay wasiirka ayaa sheegay inay jirin khatar caafimaad oo naftiisa uu ku waayi karo oo wasiirka ka muuqda xiligaan.