DHEGEYSO+SAWIRO:- Banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Gobalka Banaadir oo Baladweyne kadhacay

0

Magalada Baladweyne e Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa XAafado ka tirsan Maanta banaanbax ka dhigay dadkii tirade yaraa ee ku haray,kuwaas oo ka cabanaya Maamulka Gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah banaanbaxayasha oo Goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in labada Xaafadood ee Howl-Wadaag iyo Buunda-weyn oo ay degan yihiin mudo 15 maalmood ah ay biyo ay dehx yaallay kaas oo ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Waxa ay sheegeen in gurmadkii kala duwanaa ee la keenayyay Baladweyne aan xaqooda laga siinin,isla markaana la dulmiyey.

Waxa ay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Soomaaliya maadaama maamulka Gobolka Hiiraan ay ka hiiliyeen sida ay hadalka u dhigeyn.