Madaxweyne Gaas oo Xaflad Kaga Qaybgelaya Imaaraadka iyo Mashaariic Lagu Soo Bandhigayo

0

Hotelka Conrad ee magaalada Dubai ayaa maanta waxaa ka dhacaysa munaasabad ballaaran oo lagu daahfurayo wajiga labaad ee mashruuca dhismaha dekedda magaalada Boosaaso iyo mashaariicda horumarineed ee Imaaraadku ka fulinayo deegaamada Puntland.

Munaasabaddaan ayaa waxaa goob joog ka ahaan doona madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, masuuliyiin ka socda dowladda Imaaraadka Carabta, siyaasiyiin Soomaaliyeed, xubno ka socda Puntland iyo qurba joog.