Khayre oo sheegay in Deeqaha La Siiyo Somaliya Lagu soo Shubayo Akoonada Dowladda Federaalka

0

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle la isku raacay in deeqaha la siinayo Soomaaliya tooos loogu shubo akoonada dowladda federaalka,

Sidoo kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mas’uuliyiintii Hay’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga dhexe ee magaalada Washington uu kula kulmay Wasiirka Maaliyadda isku afgarteen in Soomaaliya loo yagleelo lacagta Shilin Soomaaliga ah, ayna u riyaaqeen in Soomaaliya meel wanaagsan soo gaartay

” waxaa la isku raacay Soomaaliya iney soo gaartay meel aduunyada aanu maleynin inaan gaarno sanad ka dib,halkaasi waxaa la isku raacay in dib loo yagleelo shilinka Soomaaliga waxaa la isku raacay in dib loo dhiso loona habeeyo bangigeena dhexe”, ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga aduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya, Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.”

Gabagabadii, wuxuu tilmaamay in la isku raacay in hiigsiga qorshihii mudo la soo waday oo ah in Soomaaliya deynta laga daayo,isagoona dhanka kale sheegay in dalalka aduunka isla qaateen sidii Soomaaliya ula fal geli lahayd Hay’adaha dhaqaalaha aduunka.

dowladda Soomaaliya waxaa lagu leeyahay dayn gaaraysa 5.5 bilyan oo Doolar,