DHEGAYSO:- Aqoon yahan Abdisalam Xaaji Ismaaciil oo mu’aamarad siyaasadeed ku tilmaamay lacagtii dhawaan lagu qabtay Muqdisho.

0

Aqoon yahan C/salaam Xaaji Ismaaciil oo ka mid ah siyaasiyiinta sida fog u falanqeeya siyaasadda caalamka ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta kaga hadlay xiisadda sii kordheysa ee u dhexaysa wadamada Somaliya iyo Imaaraadka Carabta, taas oo cirka isku sii shareertay ka dib markii bilowgii asbuucan Muqdisho lagu qabtay $9.6 Million oo dollar oo ay siday diyaarad laga leeyahay Imaaraadka ayna lacagtaas la wareegtay dawladda Somaliya halka dawladda Imaaraadkuna ku tilmaantay fal fool xun oo sharci darro ah.

C/salaam ayaa sheegay in lacagtaasi ay ahayd mu’aamarad ka dhan ah dalka Somaliya ayna dawladda DFS ku saxnayd tallaabadii ay qaaday ee ay lacagtaas kula wareegtay, sidaas oo ay tahayna dawladda Somaliya looga baahan yahay taxaddar dheeri ah iyo inaysan ku degdegin in xiriirka labada dal uu sii xumaado.

?????????????????????????????????????????????????????????