Xildhibaano cusub oo ku soo biiray mooshinka laga wado gudoomiye jawaari

1

Xog dheeraah ah ayaa kasoo baxayaa Mooshinka laga wado Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo lagu eedeynaayo xad gudubyo ka dhan ah qodobada Dastuurka dalka .

 

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay oo dib loo soo cusbooneysiiyay ayaa waxaa saaka lasoo sheegayaa inay gaareen heerkii ugu sareeyay marka loo eego Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari, ee doonaaya inay difaacaan Mooshinka ka dhanka ah hogaanka ugu sareeya barlamanka soomaaliya

Xidldhibaanada doonaaya in la rido Guddoomiye Jawaari ayaa hada tiradooda gaadheysa 198 Waxaana ilaa xalay ku soo biiray 10 Xildhibaan oo dheeri ah,kuwaa oo kasoo go’ay garabka Jawaari.

 

Xildhibaanada guud ee xiligan raacsan Xukuumada ayaa gaadhaya 208 Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka, kuwaa oo intooda badan xalay hooyday Hooyga Ra’isul wasaare Kheyre, sida aan xogta ugu danbeysay ku helnay.

Xildhibaanada cusub ee ku biiray Mooshin wadayaasha ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu ku goodinaayo inaanu xilka uga dagi doonin cod la’aan.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa waxaa xiligaan u badan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia oo iyagu u muuqda kuwo ilaashanaya xilalka ay ka hayaan Xukuumada waxaana ku jira Wasiirka Maaliyada iyo wasiirka Amniga Qaranka.

Comments are closed.