DHAGEYSO:-Hay,ada Socdaalka Soomaaliya oo Xidhay Xafiiskeedii Caasimada Puntland Garowe.

0

Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dawlada Soomaaliya ayaa xafiiskeedi ku yaalay magaalada Muqdisho ee casumada Soomaaliya xirtay kadib markii si deg deg ah ay hawadda uga saartay Khamiistii qalabkii isku xirayey Computeradda.

Shacab aad u fara badan oo isugu jira dad xanuunsan iyo dad dalka dibadiisa ugu baxilaah Baasaboorka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaato ay kala kulmeen kadib safaro dheer oo qaar kamid ah ay u soo galeen sidii ay u qaadan lahayeen Baasaboorka Soomaaliya.

Mid kamid ah hawlgaadeenada Xafiiska Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyada dawlada Soomaaliya ee magaalada Garowe ayaa sheegay inay diyaar u yihiin shacabka Soomaaliyeed inay si toos ah ugu shaqeeyaan isla markaana ay dawlada Soomaaliya ka jartay Qalabkii lagu shaqayn lahaa.