DHAGEYSO: WARIYE Boqorka bartamaha oo ka hadlay xoriyada noloshiisa

0

Wariye Maxamed Aweys Muudey “Boqorka Bartamaha ” oo muddo 4 Sano ah ku xirnaa Magaalada Addis Abaab ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa ka warbixiyay siideyntiisa.

Waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku Guuleystay dadaal badan, kadib in Xuriyaddiisa uu dib uhelo.

Wariye Boqorka Bartamaha ayaa u mahadceliyay Madxaweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo uu tilmaamay in wax badan ay ka qabteen arrintiisa, islamarkaana ka soo saaray Xabsi uu muddo ugu xirnaa Dowladda Itoobiya.