Howlgallo ballaaran oo Xalay laga sameeyay Magaalada Afgooye

0

Ciidamada Dowladda ayaa Xalay howlgallo ballaaran ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii Shalay Afgooye lagu dhaawacay mid ka mid ah waxgaradka Degmadaasi oo lagu Magacaabo Ibraahim Tabliiq.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro oo lala xiriirinayo Al Shabaab.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacayay falal liddi ku ah Ammaanka, sida weeraro iyo dilal qorsheysan.