WARBIXIN: Amaro uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir oo Cabasho laga Muujiyay

0

Milkiilayaasha gaadiidka Xamuulka ee Muqdisho ayaa ka cabayana wareegto dhowaan uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi, taasi oo lagu sheegay in gaadiidka Xamuulka gaar ahaan kuwa Booyadaha aanay maalintii Isticmaalin karin waddooyinka Muqdisho.

Qaar kamid ah Milkiilayaashan ayaa sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan arrintan, waxayna tilmaameen in dekadda aana habeen kasoo bixi karin, maalintiina aan la socon karin.

Waxay ka dalbadeen duqa Muqdisho in dekadda laga soo fasaxo Maqribkii kadib, balse aanay suurtagal ahayn in habeenkiina aysan dekadda kasoo bixi karin, maalintiina aanay socon karin.

“Saameyn ballaaran bay nagu yeelatay wareegtadii guddoomiyaha gobolka Banaadir, baabuurkii waxaa la dhahay habeenkii buu baxayaa, waxaa dhacday inuu habeenkii dekadda kasoo bixin, waxaa timid iyadoo gaariga raran yahay, haysto warqadihii uu ku bixi lahaa hadane la dhahayo ma bixi kartiin, guddoomiyaha howlwanaagsan buu qabtay, waxaan ka codsaneynaa in gaadiidka maqribkii kadib loo ogolaado iney dekadda kasoo baxaan” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah milkiilayaasha gaadiidka Xamuulka ee Muqdisho.

Tani ayaa sidoo kale saameysay darwallada gaadiikan iyo sidoo kale muruq maalka oo iyaguna sheegaya in maalmahan aanay shaqeysan.