Q.M oo afar Markab ka mamnuucday Dekadaha Caalamka.

0

Qarammada Midoobay ayaa afar markab ka mamnuucday in ay ku xidhaan dekedaha caalamka, ka dib markii lagu

helay in ay jabiyeen cunaqabatayntii caalamiga ahayd ee la saaray Kuuriyada Waqooyi.

Hugh Griffiths oo ah isku dubaridaha guddiga ay Qaramada Midoobay u saartay cunaqabataynta Kuuriyada.

Waqooyi ayaa tallaabadaas ku tilmaaamay mid aan caadi ahayn, Maraakiibtan ayaa la sheegay in ay kala yihiin Petrel 8, Hao Fan 6, Tong San 2 iyo Jie Shun.

Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa bishii hore sare u sii qaaday cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi, iyaga oo ka jawaabaya tijabadii lixaad ee uguna xoog badnayd ay Qaramada Midoobey saartay  Kuuriyada Waqooyi.