TOP NEWS:-Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar “Waa been abuur ma jirto diyaarad lagu xabadeeyay magaalada Caabudwaaq”.

0

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar oo aan xiriir dhanka telefoonka ah la sameenay ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in uu waxba ka jirin wararka ay daabaceen qaar ka mid ah saxaadafa Soomaalida ee ah in diyaarad maanta ka soo dagi lahayd Garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq xabado lagu riday.

Gudoomiye Mahad Cumar ayaa sheegay in warbaahinta qaar ay caadeysteen in ay magaalada Caabudwaaq ka baahiyaan warar bee abuur ah iyaga oo soo wareysta dad aan ku sugneyn gudaha magaalada haybtoodana aan la aqoon.

Dhinaca kale Mahad Cumar ayaa waxa uu yiri ” Magaalada Caabudwaaq Nabad baaxad leh ayaa ka jirta, qalqalna amnigeeda ma galin karaan codad laga soo duubo dad aan ku sugneyn magaalada amaba ka soo jeedin”.

Isku soo wada duuboo baari dheer kadib waxaa soo xaqiijinay in maanta magaalada Caabudwaaq aysan ka dhicin in weerar rasaas lagu qaaday diyaarad siday siyaasiyiin oo ka soo dagi lahayd magaaladaas.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media