Dhawaan deegano kamid ah gobolada qaar ee Dalka waxaa kataagnaan sicir barar saameeyay dadka kadib markii ganacsatada deegaanadaas ay diideen inay qaataan shillinka Soomaliga waxayna taasi keentay in ay xirmaan goobo badan oo gancsi waxaana hoos u dhacay qiimaha shillinka Soomaliga iyadoona intabadan wax lagukala iibsado lacagta doolarka.
Banaanbax Balaaran ayaa hareeyay magaalooyin dhoowr ah oo laga diiday adeegsida ama isticmaalka Shillinka Soomaliga waxaana kamid ah magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud,oo ay bananbax xoogleh ka dhacay taas oo keentay in la boobo goobo ganacsi kadib markii dadka banaanbaxa dhigayay ay ka cabanayeen Lacagta Shilinka Soomaaliga oo la diiday inkastoo haatan xaaladu dagantahay intabadan goobaha ganacsigana dib loo howlgaliyay
Guuleed Wiliq wiliq oo ah aqioonyahan kuxeel dheer arimaha dhaqaalaha kuna sugan Dalka Mareykanka ayaa baaq ujeediyay Dawlada iyo Bangiga dhexe isagoona ka digay baa,ba ku imaan kara shilLinka Soomaliga maadaama buu yiri ay dhici karto dhibaato aan loo jeedin xilligan in ay dhici karto lexda bilood ama sanadka soo socdo dawladana loo baahanyahay inay dadka u sheegto waxa jiro maadama masuuliyad ay kasaarantahay ilaalinta shacbka iyo Dalka.
Aqonyahankan aya sidoo kale kahadlay inay aad muhiim u tahay in ay hanato Dawlada dhexe dhaqaalaha iyo canshuuraha kasoo xarooda Dakadaha ay maamulaan maamulgoboleedada wuxuuna sheegay in taasi ay keeni karto kobac dhaqaale wuxuna Dawlada ugu baaqay inay kafakarto habkii ay ku qaadi lahaayeen canshuuraha dakadaha maamulgoboleedyada.
Hoos ka Dhageyso Wareysi Xiiso leh:-