DHAGEYSO:- Laba Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamaya Degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

0

 

Wararka ka imaanaya degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal beeleed u dhaxeeya labo beelood uu dib uga soo cusnoonaaday tuulooyin ka tirsan degmadaas.

Dagaaladan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beelood ka soo kala jeeda beelaha Cabdalla Carooni iyo Celi Cumar.

Waan waan laga dhex waday labada beelood ayaa lagu guuldareystay, iyadoo waxgarad ka soo jeeda Beelaha Mudullood ay xilligan wadaan dadaalo ku aadan sidii lagu baajin lahaa dagaalka ka dhex qarxa labada beelood.

Dagaalka u dhaxeeya labada beelood ayaa shalay illaa xalay ka socday ceelka Koogaar, waxaana la sheegayaa in ugu yaraan 10 ruux ay ku dhimatay dagaalka oo labada dhinac ah.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa ku baxay deegaanada ay colaada dib uga soo cusboonaatay, waxaana jirta cabsi laga qabo in mar kale dhinac dagaalamaan.

Bilo ka hor ayaa dagaalo dhex maray labada beelood waxaa ku dhintay dad fara badan, halka lagu gubay tuulooyin dhowr ah.

 

HOOS KA DHAGEYSO