DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Gobolka Galguduud oo Dawladda Federaalka ka dalbaday inay wax ka qabato sicir bararka gobolada dhexe.

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaa in Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ugu baaqay in ay soo fara geliso oo ay wax ka qabato xaalada cakirnaanta ah ee la xiriirta sicir bararka ka jira gobolada dhexe.

Warkan ayaa inaas waxa uu ku darayaa in Gudoomiyaha uu sheegay mushkiladan in ay gobolka oo dhan ka taagan tahay, balse hada meelo gaar ah ay ka kacday xamaasada, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayuu sidoo kale sheegay in ay ku wargeliyeen caqabadan, si uu u gaarsiiyo Dowladda dhexe, waxna looga qabto.

Maxamed Cali Cilmi Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa sheegay dadka in ay halis ugu jiraan in ay baahi u dhintaan, maadaama markii horeba ay la daalaa dhacayeen Abaar.

Dhinca kale Hay’adaha samafalka ayuu sidoo kale ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan gobolka Galgaduud, kuwaasi oo xaalad adag ay heysato.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi warkan wuxuu sheegay xilli uu wareysi siinayay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shalay sheegay in Dowladda Federaaka Soomaaliya ay wado qorshe wax looga qabanayo sicir bararka ka jira gobolada dhexe.

HOOS KA DHAGEYSO