DHAGEYSO:- Wiil Soomaali ah oo ka hor qirtay Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka falal argagixiso.

0

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo Somali-american ah ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Columbus Ohio wuxuu ka hor qiratay in uu ku biiri rabay koox lagu magacaabo Al-nusra oo ah garab ka mid ah Al-qaacida, Tababarna uu la soo qaatay.

Sidoo kale C/raxmaan wuxuu 2015-kii Maxkamadda ka hor sheegay in koox Argagixiso ah uu siiyay Qalab iyo agabyo kale oo lagu tababarto.

Cabdiraxmaan 2014-kii ayuu helay Baasaboorka dalka Mareykanka, kadibna wuxuu safar ku aaday dalka Giriiga, halkaasi oo uu kaga sii safray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ugu dambeyna wuxuu galay Syria, halkaasi oo uu ku soo tababartay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Guud ee Maxkamadda magaalada Columbus Ohio wuxuu sheegay ninkan in uu qorsheynayay in uu weeraro ka geysto qeybo ka mid ah Mareykanka.

Wuxuu kaloo sheegay Xeer ilaaliye ku xigeenka in marka hore FBI-da ay ahmiyada koowaad siinayaan sidii ay u heli lahaayeen xogo dheeraad ah, kadibna uu soo bixi doono xukunka lagu ridayo Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan ayaa dalka Mareyaknka wuxuu dib ugu soo laabtay kadib markii walaalkiisa uu ku dhintay Syria, kaasi oo qeyb ka ahaa ururka hada uu la tababaranayay C/raxmaan.

Gudaha dalka Mareykanka ayaa shakhsigii lagu helo dambi ah Argagixisanimo waxaa lagu xukumaa in ka badan 15 sano oo xabsi ah, balse weli C/raxmaan wax xukun ah laguma ridin oo baaritaano dheeraad ah ayaa ku socda.

HOOS KA DHAGEYSO