DHAGEYSO:- Guddoomiyaha degmada Mahadaay Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo sheegay in Dagaalka ay kaga dileen Al Shabaab Saraakiil iyo Ajaanib.

0

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Dagaalka maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Mahadaay C/laahi Maxamed Xuseen oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay Dagaalkii shalay ka dhacay degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe in lagu dilay 11 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay Shabaabka la dilay in uu ku jiray Sarkaal Ajanabi ah, sidoo kalena la dhaawacay qaar kale oo ururka Al-shabaab ka tiranaa.

“Gobolka Shabeellaha Dhexa maalmahan waxaa ka socda Howlgal ka dhan ah Shabaab, oo uu hoggaaminayo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, waxaan adin xaqiijin karnaa in la dilay 11 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan oo ay ku jiraan saraakiil oo mid ka mid ah uu yahay Ajnabi, kuwo kalena waala dhaawacay”. Ayuu yiri Guddoomiye C/laahi.

Dhinaca kale Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka oo isagana goor sii horeysay Warbaahinta gudaha dalka la hadlay wuxuu sheegay Howlgalka Shabeellaha Dhexe in uu yahay mid sii soconaya ilaa Shabaab lagaga saaro degaanada ay kaga sugan yihiin Shabeellaha Dhexe.

HOOS KA DHAGEYSO