XOG:- Maleeshiyaadka Al Shabaab oo hareereeyay deegaanka ABAL oo uu ku sugan yahay Abu Mansuur Roobow iyo Koonfur Galbeed oo gurmad u dirtay.

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed in Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed loo diray inay badbaadiyaan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Mareyle oo loo yaqaaan Abu Mansuur, oo noloshiisa looga baqayo kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab oo dooneysa inay gacanta ku dhigto ama disho.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamadan ay maanta gaareen deegaanka Baano ee gobolka Bakool, oo 8 KM u jirta deegaanka Abal oo uu ku sugan yahay Abu Mansuur, islamarkaana ay isku hareereeyeen kooxda Al-Shabaab, Deegaanka Abal ayaa 18 KM u jira degmada Xudur.

Falaagada Al-Shabaab ayaa deegaanka isku hareereysay kadib markii Roobow laga saaray liiska argagixisada Mareykanka, lana filayo inuu isku soo dhiibo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay doonayaan inay dilaan Abu Mansuur, si ay uga hortagaan inuu sirta kooxda siiyo dowladda Soomaaliya, maadaama uu ahaan jiray Amiir ku xigeenka kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale Abu Mansuur ayaa waxaa deegaanka Abal oo uu ku dhashay ku ilaalinaya maleeshiyo ku beel ah, oo uu haystay tan iyo markii ay Al-shabaab isku dhaceen sanadii 2012-kii, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inaysan ku filneyn inay iska dhiciyaan Al-Shabaab.

Isku soo wada duuboo wararka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in laga cabsi qaba in saacad kasta uu qarxo dagaal u dhaxeeya dhinacyadan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media