TOP NEWS+DAAWO:- Wiil Soomaali ah oo noqoday suugaan yahanka Edmonton- Canada.

0

Axmed Cali oo loo yaqaano Axmed Knowmadic oo dhalasho ahaan Soomaali ah ayaa loo magacaabay suugaan yahanka magaalada Edmonton ee dalka Canada ilaa sanadka 2019.

Ali, 33, sano jir ah ayaa dalka Canada tagay sanadkii 1992, isagoona ah qof ku wanaagsan tirinta gabeyada.

“Edmonton waa meeshii igu horeysay oo aan bartay, sidaa awgeed qalbigeyga ayay ku taalaa,” ayuu yiri Axmed Cali.

Shaqada la doonayo ayaa ah in uu u fasiro ereyada suugaanta marka ay shireyaan golaha magaalada Edmonton, isla markaana uu qeyb ka qaato horumarinta suugaanta magaaladaas.

Axmed Knowmadic ayaa waxaa soo xuley suugaan yahan hore iyo qaar kamid ah xubnaha bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan kaidb markii ay arkeen sida Axmed ugu wanaagsan yahay tirinta gabeyada iyo suugaanta kale.

Golaha suugaanta magaalada Edmonton ayaana ugu dambeyntii Axmed u doortay jagadan.

“Wuxuu akhriyay gabey qosol iyo reyn reyn ku sameeyay guddiga xulidda loo xil saaray,” ayuu sheegay afhayeenka Jenna Turner.

“Hanaankiisa u gaarka ah oo gabey tirinta ah waxaa u maleynayaa in uu awoodi doono in wax badan nooga sheegi doono magaalada.”

Axmed Cali oo ku magac dheer Axmed Knowmadic ayaa noqoneya suugaan yahankii todobaad oo xilkan qabto, isago xilka kala wareeji doono Pierrette Requier, kaas oo ah nin luuqado badan ku hadla, masraxyada soo bandhiga isla markaana sheekooyinka qora.

 

HOOS KA DAAWO