TOP NEWS:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxa ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo xubno kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadanaya masuuliyiinta Dowladda Federaalka ugu sareysa, iyaga oo ka wada hadlaya xiriirka labada dal iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

Isku soo wada duuboo Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway wuxuu kulan gaar ah la qaadan doonaa Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media