TOP NEWS:- Qaybo ka mid ah Suuqa Xamar Weyne oo goor dhow Dab ka kacay.

0

Dab ayaa goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah suuqa weyn ee xamar weyne, iyadoo dabka uu ka dhashay cilad Koronto.

Qiic iyo uuro ayaa ka baxayay suuqa dushiisa, iyadoo inta aanu faafin lagu guuleystay in la damiyo.

Dabka ayaa ka kacay Qeybta qudaarta ee Suuqa Xamar weyne, waxaana durbaba halkaas u gurmaday gawaarida dab damiska ee Gobolka Banaadir.

Ma jirto khasaare nafeed oo uu sababay dabka, hase ahaatee waxaa uu geystay khasaare hantiyadeed oo aan wali la cayimin.

Inta badan suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo noqonaya dab had iyo jeer ka kaca, waxaana la ogeyn sababaha rasmiha ah ee ka dambeeya.

Bilo ka hor ayay aheyd markii labo jeer uu dab ka kacay suuqa Bakaaraha, kaasoo sababay khasaare kala duwan oo u badnaa hanti iyo dhismayaal ku bur buray.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media