TOP NEWS:- Maleeshiyaad ka tirsan falaagada Al-Shabaab oo ku dhowaaday deegaan uu ku sugan yahay Abuu Mansuur Roobow.

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan falaagada Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaano la tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur ayaa dhowaan laga saaray liiska shaqsiyaadka si weyn ay u dooneysay Mareykanka, iyadoo dib looga laabtay lacagtii la dul-dhigay madaxiisa oo gaarayay 5-milyan oo dollar.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa u sheegay Idaacada VOA inay ka war heleen in Al-Shabaab ay baadigoobayaan Abuu Mansuur, isagoo xusay in deegaano ku dhow dhow Xudur ay ka jirto xiisad.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay gaaf wareegayaan goobaha aanay ku sugneyn dowladda oo la tuhunsan yahay inuu joogo Abuu Mansuur.

“Waxaa maqalnay in Shabaab meelaha uu ka ag dhow yahay halka uu joogo Mukhtaar Roobow ay marayaan, dhaq dhaqaaq iyo abaabul ay sameynayaan waa naloo sheegay, balse wax aan hubno ma ahan inay weerar ku yihiin”ayuu yiri Maxamed Macalin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan wax xiriir ah ka heyn Abuu Mansuur, isla markaana aanay waxba ka ogeyn wada hadalada la sheegay inay socdaan.

Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inuu ilaalo ka hayaan maleeshiyaad boqolaal gaaraya, kuwaasoo la sheegay inay ku heyb yihiin.

Dhinaca kale Abuu Mansuur ayaa afartii sano ee u dambeeyay ku sugnaa deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Hoggaanka Shabaab.

Isku soo wada duuboo Illaa iyo hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan mowqifkeeda ku aadan liiska argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.