TOP NEWS:- Maamulka Soomaaliland oo ka jawaabay eedeyn uga timid Maamulka Puntland.

0

Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay eedeyn dhawaan uga timid Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo ku eedeeyay maamulka Hargeysa in xariir kala dhaxeeyo dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalama qeybo kamid ah Puntland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Cismaan Saxardiid Caddaani ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay eedeynta uga timid Puntland, waxa uuna meesha ka saaray in maamulkooda wax xariir ah haba yaraatee kala dhaxeeyo Dagaalyahanada Al Shabaab.

Waxa uu sheega Wasiirka in maamulkooda uu mar walbo jecel yahay kana shaqeenayo xasiloonida gobolka, waxa uuna iska fogeeyay in wax xariir kala dhaxeeyo koox uu sheegay in argagaxiso tahay, waxa uuna tilmaamay in la garanayo meelaha ay ka yimaadeen dagaalyahanada Al Shabaab.

‘’Waan ka xunahay hadalka kasoo yeeray Puntland ee ku sheeeen in xariir aan la leenahay Al Shabaab, waxaan sidoo kale ka xunahay dhibaatadii ka dhalatay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen gobolka Bari , Somaliland waa la ogyahay sida ay ugu dabajirto argagaxisada, meel walbo oo laga sheego kama harno illaa aan ka ciribtirno’’Ayuu yiri Wasiir Cadaani.

Hadalkan kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay garab siiyaan ayna taageeraan dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalama qeybo kamid ah Puntland.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media