TOP NEWS:- Go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee xayiraada socdaalka oo maanta dhaqan galaya

0

Amarkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee xayiraada dhanka socdaalka ee muwaadiniinta Lix dal oo Muslimiin ah ayaa maanta oo Khamiis ah dhaqan galaya.

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa dhowaan ogolaatay qeyb ahaan amarka Madaxweyne Trump ee uu ka mamnuucay inay Mareykanka soo galaan muwadiin ka soo jeeda dalalka Libiya, Sudan, Iiraan, Yemen, Somalia iyo Suuriya.

Amarkan ayaa la sheegay inuu si rasmi ah u dhaqan geli doono saacadaha hore ee khamiista, iyadoo saraakiisha socdaalka Mareykanka ay sugayaan habka ay ay u fulin doonaan amarka Madaxweyne Trump.

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kulmi doonin isk-dhax-yaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha, marki ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarki madaxweyne Trump bishii March ee sanadkan.

Qaar ka mid ah qareenada muhaajiriinta ee Mareykanka ayaa sheegay inay iska xaadirin doonaan maanta garoomada diyaaradaha ee caalamiga ah si ay u caawiyaan dadka uu saameyn doono amarka trump.