TOP NEWS:- Dagaal faraha looga gubtay oo mar kale Ciidamada Dawladda iyo Maleeshiyada falaagada Al-Shabaab ku dhex maray Shabeellaha Dhexe..

0

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa maanta mar kale ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, maalin kaddib markii ay ku dagaalameen deegaanka Cali Fooldheere oo u dhaxeysa Mahadaay iyo Biyo Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu ka dhacay meel ku dhow deegaankii maalin ka hor lagu dagaalamay, waxaana la sheegay in dagaalka la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo saacad ku dhow uu socday.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen illaa lix dagaalyahan.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo mar kale ay ka qarxaan deegaanada bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda ayaa maalin ka hor howl gal ka bilaabay deegaanada waqooyi bari ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo la wareegay tuulooyin dhowr ah.