DAAWO WARBIXIN:- Warkii Ugu Dambeeyay ee maqnaashaha adeega Internetka Muqdisho iyo Saameynta Shacabka.

0

Adeegga internet-ka ayaa gebi ahaan ka go’an Koonfurta Soomaaliya maalintii shanaad, waxaana la xaqiijiyay inuu adeegan sii maqnaan doono ug yaraan laba toddobaad.

Magaala Muqdisho iyo magaalooyinka kale waaweyn ayaa si weyn looga dareemay maqnaanshaha Internet-ka, isagoo ku soo beegmay munaasabdda ciidul fitriga oo dadku ku badnaayeen isticmaalka baraha bulshada.

Dowladda Federaalka ayaa maanta sheegtay in markabkii sameyn laha xarkaha badda hoosteeda ee uu jaray Markab Ganacsi uu kasoo shiraacday dalka Cumaan, kaasoo la filayo inuu Muqdisho soo gaaro 4 maalmood kadib.

Xarkaha Badda hoosteeda mara ee yimaada xarunta weyn ee Muqdisho ayaa adeegga internerka siiya Gobollada Dhexe, Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, waana ciladii ugu weyneyd ee ku dhacday adeeggan.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayuu si weyn u saameysay arrintan iyadoo xafiisyada madaxweynaha & loo xiray satelinte-yo aan awood badan lahayn.

Adeegyada internet ee ka jira magaalada Muqdisho ayaa u badan kuwo aad u liita oo shirkadaha Hormuud iyo Global ay dib ugu laabteen adeegsiga satelite aan awood badneyn, halka iyo hoteelada iyo xafiisyada Q/Midoobay ay iyaguna la yimaadeen internet-ka ku shaqeeya satelite-ka.

Ma aha markii ugu horeysay ee adeegga Internetka uu ka go’o Koonfurta Soomaaliya sidan oo kale, iyadoo dhowr mar ay maraakiib jiireen xarkaha internetka, laakiin waa saameynti ugu weyneyd ee ugu waqtiga dheereyd oo magaalada ka dhigtay mid dansan.

Baraha bulshada ku xiriirto ee Soomaalida ayaa si weyn looga dareemay arrintan iyadoo dadka ugu badan ee baraha bulshada shidi jiray ay ahaayeen reer Muqdisho.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media