TOP NEWS:- Dalka Sucuudiga oo durba bilaabay lugooyadii caadada u ahayd ee uu la daba taagnaa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay kasoo qaadanayaan Xoolo qiimo jaban.

0

Sida uu daabacay wargayska wax ka qora arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Al-Iqtisaadiya ee ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa Cadadkiisii shalay wuxuu ku soo daabacay warbixin uu ka soo xigtay ganacsatada Sucuudiga ee xoolaha nool ka ganacsatada kuwasoo sheegay in xoolo badan ay ka soo galeen dhinac Itoobiya toddobaadyadii la soo dhaafay

Al-Iqtisaadiya wuxuu sheegay in arrintani ay timid ka dib markii wasaaradda deegaanka iyo beeruhu ee Sucuudigu ay ogolaatay furintaanka Maxjarka Itoobiya taas oo aad uga qeyb qaadatay inay isdhinto 50% kharashka rarka xoolaha.

Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan oo u waraysi siiyay wargayska wuxuu sheegay in Maalgashadayaal badan ay u wareegayaan Itoobiya si ay kor ugu qaadaan xiriirka sucuudiga ee ganacsi iyo maalgashi ee dhinaca Xoolaha, kulamo hor u dhac ahna la galay si heshiisyo loo kala saxiixdo loona kordhiyo dhoofka xoolaha ee itoobiya.

Wuxuu caddeeyey inay tahay waxyaalaha soo jiidashada keenaya inay tahay inay xoolaha Itoobiya u egyihiin kuwa Soomaaliya.Waxaa kale oo sheegay in xoolaha itoobiya kasoo baxaya ay toos u soo gaarayaan sucuudiga ayaga oo aan soo marin Maxjarka Jabuuti sidii waagii hore ahaan jirtay.

” Maxjarka Jabuuti Neefka wuxuu ka qaadi jiray $9 ilaa $10 intaa waxaa dheeraa Cowska iyo wixii kale oo kharash ah oo ay xooluhu u baahdaan, wuxuu gaari jiray kharashka raacaya $12 – $13, hadeerse ka dib furitaanka Maxjarka itoobiya wuxuu kharashku hoos u dhacay 50%. Waxaana la ogolaaday Maxjarada itoobiya 2 bilood ka hor” ayuu yiri Ganacsade Xaamid

“Xoolaha itoobiya waxay dhanyihiin 40 Malyan oo neef, waana xoolo aad u fiican, sicirkooduna aad u macquul uyahay, gaar ahaan Maxjaradaan markii la furay oo laga maarmay kuwii Jabuuti”

Dhinaca kale Axmed Baxaafid oo ah nin maalqabeen ah kana ganacsada xoolaha Wuxuu sheegay in maal-qabeenno badan oo Sucuudiyaan ah halkaas ka furteen Mashaariic badan sida (Naaxinta Xoolaha iyo Kawaanno) waxayna ka mid yihiin mashaariicda ugu waaweyn Qaaradda Afrika, itoobiya waxay u dhoofisaa Sucuudiga, Masar, Imaaraatka, Jabouti, Urdun.

Isku soo wada duuboo Dowladaha Sucuudigu iyo imaraadku waxay hore u joojiyeen xoolihii uga imaan jiray Soomaaliya oo ay sheegeen in caafimaadkoodu wanaagsanayn, waxayna arrintaasi keentay in lacagtii adkayd ee dollarka ee dalka soo gali ay meesha ka baxdo, iyadoo dhoofku xoolaha nool ay laf dhabar u ahaayeen dhaqaalaha Soomaaliya.

Halakan guji kana akhriso qoraalka lagu daabacay wargeyska dhaqaalaha Al-Iqtisaadiya.